Tuesday, May 21st, 2013

Yaa ku guulaystay “Ballon d’Or” Ciyaaryahanka aduunka, Kooxda Sanadka, Macalinka ugu wanaagsan iyo Sawiro badabn

Published on January 7, 2013 by   ·   2 Comments

9Ciyaaryahan L. Messi ayaa ku guulaystay abaalmarinta ciyaaryahanka aduunka ee Ballon d’Or kadib markii uu kaga adkaatay Iniesta iyo C. Ronaldo.

Weeraryahanka qaranka Argentina iyo Kooxda Barcelona ayaa markii afaraad ku guulaystay abaalmarintan isagoo jabiyay dhamaan rikooradii ciyaarayaha kubada cagta uyaalay sanadkan.

Sidoo kale waxaa la magacaabay Tababaraha ugu wanaagsan aduunka waxaana qaaday macalinka Spain Vicente Del Bosque oo ay kula tartamayeen Mourinho iyo Pep. Macalinkan ayaa qarankiisa Spain ka caawiyay hanashada koobka Euro 2012-ka

Gabadha ugu wanaagsan kubada cagta aduunka ayaa loo doortay weeraryahanada qaranka Mareykanka Abby Wambach, halka tababaraha dhinaca gabadhaha ay qaadatay macalimada dalka Swedan Pia Sundhage.

Waxaa sidoo kale goolka ugu wanaagsan ku guulaystay ciyaaryahan Miroslav Stoch isagoo kaalintaas kaga adkaatay ciyaaryahanada Neymar iyo Falcoa.

Waxaa loo codeeyay kooxda ugu wanaagsan sanadkan taas oo ay kala qaateen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona oo lagyu daray hal Falcoa.

Kooxda lasoo dooqay ayaa ahayd sidaan:

FIFA/FIFPro World XI: Casillas; Dani Alves, Gerard Pique, Sergio Ramos, Marcelo; Xavi, Xabi Alonso, Iniesta; Messi, Falcao, Ronaldo.
Abaalmarinta ayaa sidaas goordhow kusoo dhamaatay.

1 2 3 4 5 6 7 8

00000 0000 000 00 0

 

Readers Comments (2)

  1. Waxaan aad ugu xumahey in ey fifa ey sameynin sida xaqa ey tahay maxa yeley Ineysta oo ah xidiga ama jowkarka ku badaha siiya Misi marka waxaa u qalmey ineysta in la siiyo

  2. Waxan ahay takere barcelona wan ku faraxsanahay inu qaato messi ballon d “or waxan leyahay ciyaryahan messi waa yahayka uk fiican caalamka




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook