Macalinka Arsenal Arsene Wenger ayaa kadib bar bardhacii Swensea waxaa uu shaaciyay in kooxdiisa ay u baahan tahay dhuu dhuujis wali ama in la sii tayeeyo.
Arsenal ayaa ciyaar ka tirsaneyd koobka FA Cup waxaa ay 2-2 la dhaafi weysay kooxda Sweansea waxaana ciyaarta kadib Weger uu sheegay in waajib ay tahay ku laabashada Suuqa kala iibsiga.
Wenger ayaa carabka ku dhuftay inuu la soo wareegi doono hal ama labo ciyaaryahanka sanadkan gaar ahaan ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xermin.
“Chamakh iyo Djourou ayaa naga tagay waxaan u baahanahay in badalkoodii kooxda loo helo kuwaas oo kooxda u ahaa daafac iyo Weerar.
Dhanka Weerarka Xidigo badan ayaa u qorsheysan waxaana kamid ah Weeraryahanka Barcelona David Villa.
Xidigaha kale uu doonayo ayaa ah Goolhayaha kooxda Sweansea Michel Vorm iyo Waliba Adrian Lopez.
That’s good