Tevez: “Balotelli waa inuu wax iga bartaa si uu ula sii joogo kooxda”

January 7th, 2013 by
Home » Horyalaada » England » Tevez: “Balotelli waa inuu wax iga bartaa si uu ula sii joogo kooxda”

Tevez: “Balotelli waa inuu wax iga bartaa si uu ula sii joogo kooxda”

tevez-balotelliCarlos Tevez ayaa sheegay inuu ka caawin karo dabeecadda Ciyaaryahan Mario Balotelli si kooxda Manchester City uu u sii joogo.

Ciyaaryahanka reer Talyaani ayaa Mustaqabalkiisa shaki wayn uu ku jiraa, iyadoo la maleynayo inuu ka tago garoonka Etihad kaddib markii ay dhawaan isku dheceen macallinka kooxdaasi ee Roberto Mancini.

Weeryahankii hore ee kooxda Manchester United Tevez ayaa yiri : “Waxaan isku dayay in aan caawiyo Mario, waxaana ula hadalay si shaqsiyeed, xitaa garoonka ayaan kula hadalay”.

“Mar ayaan soo ahaa isagoo kale, xitaa qaladaadkii aan sameyn jiray isaga ma sameeyo, marka waxaan rabaa inaan arrintaas ka caawiyo” ayuu mar kale yiri 28-jirkaasi.

Dhinaca kale Tevez ayaa sheegay dhacdadii ka dhacaday xerada tababaraka kooxdiisa Todobadkii la soo dhaafay ay la mid tahay waxyaabaha ka dhaca Calamka oo idil ee aysan ahayn waxweyn.

Mario dabeecad xumada waxaa uu sii dheer sanadkaan hoos u dhac ku yimid ciyaarahiisa maadaama hal gool kaliya uu kooxdiisa u dhaliyay kulamadii horyaalka dalka Ingiriiska.

Carlos Tevez ayaa dhinaca kale uga digay Mario Balotelli in uusan sameeynin qaladaadkii uu sameeyay isaga mid la mid ah, uuna iska sii joogo Kooxdiisa Manchester City.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>