Tabaraha Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegay in hal Maalin ay dhici doonto in macalin koox uu ka noqdo horyaalka Imaaradka Carabta ee Dubai oo noqday horyaalka hormar ku tilaabsanaya.
Warkan ayaa waxaa laga soo xigtay Tababaraha kooxda Al Ahli Quique Sanchez Flores oo saaxibo isku fiican ay wada yihiin Tababarha Real Madrid.
Mou ayaa cadaadis badan waxaa uu ka haystaa Maamulka kooxda uu ka tirsan yahay waxaana uu todobaadkii hore uu tagay Dubai markaas uu ka qayb galay Munaasabada Shirka Sanadlaha ee Xiirirka kubada cagta Dubia oo sanadkiisii Todobaad galay.
Macalinkii hore Chelsea iyo Inter Milan ayaa sheegay inuu u dambayn doono Mustaqbalkiisa Macalinimo Bariga dhexe.
Sanchez Flores ayaa yiri Mou waxuu ii sheegay inuu danaynayo qabashada Kooxaha dalka Dubai waxaana arinkan uu imaanayaa iyadoo Manchester United badal ay uga dhigi lahayd Ferguson.
Jose Mourinho ayaa ku riyoonaya kulaabashada Premier league oo kooxdiisii ugu horaysay uu ka soo qabtay ay ahayd Chelsea oo 50 Sano kadib Premier league Sanadkii 2005 farta ka saaray.