Kabtanka xulka Argentine Lionel Messi ayaa loo aqoonsaday gool dhaliyihii ugu sareeyay xulalka caalamka sanadkii tagay 2012 waxaana qiimeyntas sameeysay hay’adda tirikoobka taariqda ciyaaraha kubada cagta ee caalamiag ah ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IFFHS) waxaana la xisabiyay goolashii uu dhaliayay lagasoo bilaabo 1-dii January ila iyo 31-dii December
Messi, oo abaal marintaan ku guuleystay 2011 , ayaa dhaliyay sanadkii tagay 25 gool oo calami ah (12 ka mid ah waxa uu dhaliayay Argentina halka 13 uu udhaliyay Barça) waxaana uu jabiyay rikoorkii uu dhigay 1909 laacibkii England ,Tottenham iyo Chelsea, Vivian John Woodward, kasoo dhaliyay 25 gool oo 10 ka mid ah uu udhaliyay England
Rikoorkaan waxaa uu ka madax banana yahay goolasha laga dhaliyo horyaalada