Manchester City ayaa doonaysay in lacag ay ku bur buriso heshiiska Weeraryahanka Napoli Edinson Cavani oo heshiis waqti dheer kula jira kooxda Taliyaaniga laakiin uu sheegay inuu bixi doono waqti aan dheerayn.
City ayaa Wali u baahan Weeraryahano dheeraad iyadoo ay haystaan kuwii ugu fiicnaa.
Wargayska Th Sun ayaa sheegay in Roberto Mancini uu wali Xiisaynayo Ciyaaryahanka Uruguay ee Taageerada uu yahay umana arko xidigihiisa kuwa baahida gool dhalinta haysta ka haqabtiri kara.
Cavani ayaa u saxiixay heshiis Cusub Napoli kaas oo ka bilaabanaya Xagaaga laakiin hadii lacag fiican ay kooxda ka macaashayso waa ay Fasixi kartaa.
Wakiilka Ciyaaryahanka ayaa sheegay Cavani inuu sii joogayo Napoli waxuuna carababay kooxaha doonaya oo kala Barcelona, Real Madrid, Manchester City, Chelsea iyo Paris Saint Germain.