Wednesday, May 22nd, 2013

Man City oo £45m u gaartay Cavani si ay badal uga dhigto Balotelli

Published on January 7, 2013 by   ·   No Comments

Edinson-CavaniManchester City ayaa si xawli ah waxay wada hadal ula gali doontaa Edinson Cavani si ay ugu badasho booska ciyaaryahanka dabeecadda xun Mario Balotelli kasoo la filayo in kooxda laga fasaxo.

Napoli weeraryahankeeda Cavani oo ka hortagay kooxda City taratankii Champions League xlili ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa bartilmaameed waxa uu muddo u ahaa macallinka kooxda City Roberto Mancini.

Warbix ay qortay Sunday People ayaa lagu sheegay in agaasimaha kooxda City Begiristain uu diyaar la yahay £45million si uu soo xero galiyo laacibkaan reer Uruguay.

Guddoomiyaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa sheegay bishii December in uu diiday dalab ka soo garay koxaha waaweyn oo ku aadanaa ciyaayahan Cavani.

Cavani ayaa dhaliyay 20 gool xilli ciyaareedkan horyalka dalka Talyaaniaga, dhanka kalena waxaa Balotelli ayaa isna aad u xiiseynaya inuu ka tago horyaalka Premier League uuna dib ugu noqdo horyaalka Talyaniga.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook