Madaxweynaha Xiriirka kubada Cagta Aduunka Sepp Blatter ayaa ka horyimid Go’aankii dhawaan uu qaatay Laacibka Milan Kevin-Prince Boateng oo Markii Taageerayaal ay Madibkiisa wax u dhimeen kadib uu ka baxay Garoonka.
Kevin-Prince Boateng iyo Saaxibadiisa Milan ayaa Shalay soo xertay Funaanado ay ku qornaayeen (Milan waa ka soo horjeeda Midabtakoorka).

Sepp Blatter oo dalxiis ku jooga Bariga dhexe gaar ahaan Dubai ayaa sheegay inuu qaldanaa Ciyaaryahankii hore ee Portsmouth iyo Tottenham inuu ka baxo garoonka iyadoo ciyaarta ay socoto.

‘In laga baxo garoon? Maya,Uma maleynayo inuu xal ku jiri taas ?:Sidaas waxaa yiri Blatter. ‘
Laakiin Madaxweynaha FIFA ayaa ku celiyya iney ka soo horjeedaan in Garoomada dhexdooda lagu dulmiyo dadka Midabka Madow.
Balse Go’aanka Garoonka uu ugu baxay Kevin-Prince Boateng waxaa Taageeray Macalinka Xulka Taliyaaniga iyo Xidigo badan.