Kooxda Inter Milan ayaa Talaabo ku dhawaansho waxaa ay u qaaday la soo wareegida ciyaaryahanka waqtigiisa Chelsea uu dhaamaday ee Chelsea Frank Lampard .
Wakiilka Ciyaaryahanka Chelsea ayaa la sheegay inuu tagay Taliyaaniga waxaana uu cadeeyay Inter Milan inay u soo gudbisay dalabka rabitaanka Lampard ku aadan.
Madaxwaynaha Kooxda Inter ayaa dib u habayn ku samayn doon qadka dhexe ee kooxdiisa oo u baahan in la dhuu dhuujiyo ,Frank Lampard ayaana diirana u saaran sida uu shaaciyay Mediaset.
Qandaraaska Laacibkan ayaa dhacaya June mana uu doonayo in heshiis cusub uu qalinka ku duugo.
Inter Milan ayaa qorshaynaysa in Lampard ay kala saxiixato heshiis gaaraya Mudo Sadax Sano ah.