Kooxda Chelsea ayaa bartilmaameed ka dhigatay ciyaaryahanka Argentine ee Gonzalo Higuain ee aan ku qanacsanayn kooxdiisa.
Kadib markii Falcoa uu sheegay in Athletico Madrid uu baaqi ku sii ahaanayo ayaa Chelsea waxay u jihaysatay doonista ciyaaryahanka Real Madrid.
Bilyaneerka Chelsea ayaa doonaya in Gonzalo HiguainĀ uu soo iibsado maadaama uu ka qiimo jaban yahay Falcoa oo iska diiday Chelsea.
Gonzalo HiguainĀ ayaa ku soo laabtay Tababarka kooxdiisa mudo labo bilood uu garoomada ugu maqnaa dhaawac soo gaaray.
Wiilka Argentine ayaa kamid ah Weeraryahano badan oo ay ka dukaamaysanayso kooxda Chelsea sanadkan.