Ilo Muhim ah oo uu la helay ayaa sheegay in Chelsea ay heshiis la gaartay Xidiga qadka dhexe ee kooxda Metalist Kharkiv Taison Sida uu ogaaday Sky Sports.
Laakiin wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in kooxo kale oo aan la shaacin Magacyadooda in Chelsea ay kula dagaalayaan heshiiska Xidiga Brazil.
Taison ayaa bishan Mar daboolka ka qaaday in Chelsea uu kala lahadlay Macquul ahaanshaha kooxda uu ugu Mid noqon karo kadib markii uu booqday Galbeedka London.
Ciyaaryahankan reer Brazil ayaa ku biiray kooxda Metalist Labo Sano iyo Bar ka hor oo uu ka soo tagay kooxda Internacional oo ay ka wada Tirsanaan jireen isaga iyo Xidiga Chelsea ee Oscar.
Chelsea ayaa aaminsan in heshiis afka ay la gaartay Ciyaaryahanka qudhiisa oo hilow u qabo ku biirada kooxda Yurub waxaaba uu badal uu u noqon doonaa Frank Lampard oo diiday in Chelsea uu sii joogo.
Taison ayaa noqon doona hadii uu ku biiro Chelsea ciyaaryahankii labaad oo ay suuqa kala iibsiga ay kala soo saxiixdaan waxaana ka horeeyay Demba Ba.
war away bolan di odi maxaa ku diacay xiligeedi waa ladhaafay idinkana waxaan idinku nacay warka marki laga dhargo oo meelkasta laga arko un baad soqortaan war isku daya inaa soqortaan warka xiliga markaa udhacay ama uu dhadhanka leeyahay