C. Ronaldo oo kahadlay Mustaqbalkiisa iyo kan Macalin Jose Mourinho

January 2nd, 2013 by
Home » Maxaa Cusub » C. Ronaldo oo kahadlay Mustaqbalkiisa iyo kan Macalin Jose Mourinho

C. Ronaldo oo kahadlay Mustaqbalkiisa iyo kan Macalin Jose Mourinho

RonaldoCiyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuu amisan yahay in tababare Jose Mourinho uusan meelna uga socon kooxda  Real Madrid oo uu sii joogi doono.

Tababaraha dalka Portugal ayaa shaki weyn la geliyay mustaqbalkiisa Real, maadaama Kooxda Barcelona ay 16 dhibic ka horeyso los Blancos horyaalka dalkaas Spain

Si kastaba Ronaldo ayaa sheegay in aysan jirin wararkan ah in tababaraha uu isaga tagayo kooxda ka dhisan Madrid gaar ahaan Santiago Bernabeu.

Mar la weydiiyay in Mourinho uu tagayo ayuu saxafiyiinta usheegay : “ma ogi, tas waxaa ay ku tiirsan tahay xaalada kooxda, waxaana jecelahay inuu sii joogo maxaa yeelay waa tababaraha ugu haboon halkan, waa mid kamid ah tabarayaasha ugu wanaagsan, waxaana ay ila tahay in mustaqbalkiisa halkan uu wali yahay siina joogay

Sababaha ugu badan ee shakiga galiyay mustaqbalka Mourinho aya lasheegay inay ku jirto go;aankii uu kursiga keydka ugaliyay goolhaye Iker Casillas ahna kabtanka Kooxda kulankii Malaga,hase ahaatee Ronaldo ayaa sheegay in tababaraha uu leeyahay go’aanka ugu danbeeya

“aniga ahaan wax iga yabiyay ma arkin, arinta Casillas oo labadalay waa go’aan farsamp waana inaan xusmeynaa halkan tababaraha ayaa maamule ah, isaga ayaana samayn kara go’anka.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa naf ahaantiisa waxaa shaki la geliyay mustaqblakiisa kooxda, hase ahaatee xidigan 27-jirka ah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxdiisa uuna diirada saari doono sidii uu koobab ula guulaysan lahaa

“arintan horey ayaan uga hadlay, mar danbana kama hadli doono inan heshiis kordhinteyda,” ayuu tilmamay weeraryahankii hore ┬áManchester United.

“arinta ugu muhiimsan waa inan guulsanaa ciyaarta soo aadan, waa inaan ku dagaalanaa hanashada La Liga, the Copa del Rey iyo the Champions League. waxaana taas lagu gaari karaa anagoo wadajirna

Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha

One Response to C. Ronaldo oo kahadlay Mustaqbalkiisa iyo kan Macalin Jose Mourinho

  1. Sadik Reply

    January 4, 2013 at 5:54 pm

    Jose mourihno must stay at real mardrid club

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>