Mustaqbalka Sadax ciyaaryahanka oo ka tirsan kooxda Barcelona ayaa shaki la geliyay inay bixi karaan Sanadka 2013 xili u furmay suuqa kala iibsiga.
Weeraryahanka kooxda David Villa,labada difaac ee isku dalka ah Daniel Alves iyo Adriano ayaa waxaa sadaxdoodaba waxaa uu macalinka Barcelona Tito Vilanova uu ku cadaadinayaa inay sii joogaan kooxda.
Sida uu qoray Sport Xidigaha kala ah Villa iyo Alves ayaa waxaa xiisaynaya kooxo badan oo ka dhisan Premier League halka Adriano wali uu sugayo in heshiis cusub uu qalinka ku duugo maadama uu heshiiskiisa dhacayo 2014.
Alvez ayaa waxaa doonaya Kooxda Tababare Wenger ,sidoo kalana Villa ayaa diirada u saaran kooxo kale oo ay ku jirto Arsenal.