8-sano kaddib Sampdoria oo gurigeeda ku garaacday Juventus iyo Udinese oo..

January 7th, 2013 by
Home » Horyalaada » Italy » 8-sano kaddib Sampdoria oo gurigeeda ku garaacday Juventus iyo Udinese oo..

8-sano kaddib Sampdoria oo gurigeeda ku garaacday Juventus iyo Udinese oo..

Kooxda Juventus hoggaanka horyaalka Talyaaniga ayaa hamigeedii guulaha sanadkaan la dhaawacay kaddib markii garoonkeeda Juventus Stadium ay ku dharbaaxday kooxda Sampadoria, kulankaas oo ku idlaaday 2-1.

Sampdoria guushaan micno weyn ayey u sameyneysaa waxa ayna noqoneysaa muddo sideed sano ah kaddib guushii ugu horeysay oo ay ka gaarto Juventus oo ku ciyaareysa gurigeeda.

Juve ayaa goolka la hormartay waxaa u sahlay daqiiqadii 24-aad Ciyaaryahankeeda Giovinco, inkastoo labo gool loo badalay kuwaas oo Sampdoria ka heshay xiddigeeda Mauro Icardi daqiiqadihii 54-aad iyo 69-aad.

Dhanka kale Udinese ayaa ku barbartay kooxda Inter kaddib 3-0 ay ku dardartay taasoo sabab u noqotay in inter ay ka dhacdo kaalinta 4-aad.

Udinese  waxay goolasha ka kala heshay Di Natale oo labo gool ah,  iyo kan kale oo uu u saxiixay Muriel.

Kulamada kale ee la ciyaaray horyaalka Talyaaniga

AC Milan    2 – 1    Siena
67? Bojan Krkic, 80? Gianpaolo Pazzini, 87? Paolucci (Siena).

Chievo        1 – 0    Atalanta
37? Cofie.

Fiorentina    0 – 2    Pescara
57? Jonathas, 90? Celik.

Genoa        2 – 0    Bologna
57? Marco Borriello, 73? Marco Borriello.

Juventus    1 – 2    Sampdoria
Parma        2 – 1    Palermo
67? Belfoldi, 85? Budan (Palermo), 90? Amauri.

Udinese    3 – 0    Inter Milan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>