West Ham United oo ku bar baratay kooxda Chelsea iyo Xaalada Macalinka cusub oo god gashay

December 1st, 2012 by
Home » Horyalaada » England » West Ham United oo ku bar baratay kooxda Chelsea iyo Xaalada Macalinka cusub oo god gashay

West Ham United oo ku bar baratay kooxda Chelsea iyo Xaalada Macalinka cusub oo god gashay

Waxaa Galabta six un dhulka loogu jiiday Kooxda kubada Cagta ee Chelsea iyadoona taa ay ka dhigeyso in guul daradii ugu horeesay uu dhadhamiyo Macalinka KMG ee jaceylka aysan u qabin Taageerayaasha Chelsea.

Kooxda Chealsea ayaa guul ay ku hormartay daqiiqadii 13-aad uuna dhaliyay Ciyaaryahanka gaaban ee Juan Matta waxaa laga keenay maxaan u dhalinay kadib markii Wiilasha Mad madow ee Kooxda West Ham ay sadax gool oo deg deg ah daba mariyeen Gool Haye Petr Cech qeybihii dambe ee ciyaarta.

Ciyaarta bilowgii waxaa dar dar iyo weerar kusoo galay Garoonka Wiilasha Chelsea hasa ahatee Qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa warkooda la waayay ,waxaana isku dhax yaacay oo badalo deg deg ah sameeyay Rafael Benitez macalinka xaalkiisa halista hada tahay.

Chelsea waxaa galabta ka yaabsaday Sadaxda Nin ee Madow ee k ala ah Carlton Cole oo daqiiqadii 64-Gool bareejada u dhaliyay Kooxdiisa waxaana sii raacsaday labada nine e kala ah Mohamed Diame iyo Maiga oo iyana labo gool oo Qatar ahaa kala dhaliyay daqiiqadihii 86-aad iyo 90-aad.

Guul darada galabta ayaa Chelsea iyo macalinkeeda uga dhigan maamil madow waxaana xaalada ay hada ku xuntahay macalinka dhawaan galka ah ee Chealsea oo keenistiisa guux badan dhalisay iyo in ay taageerayaasha Chealsea ay ku oriyaan.

Macalin Rafael Benitez sadax kulan uu leelinayay Kooxda Chealsea waxa uu u keenay 2-dhibac oo kaliya waxa uuna qasaariyay dhibco gaaraya 7-dhibcood iyadoona xaalka hada alow sahal mareyso loona tirinayay guul iyo guul daro waxa uu keeno lagana yaabo in boorsooyinkiisa sidii De Mateo banaanka loo dhigo.

W/D Wariye Yaasir Cagod
Queestown S/Africa
Yaasir00@hotmail.com

One Response to West Ham United oo ku bar baratay kooxda Chelsea iyo Xaalada Macalinka cusub oo god gashay

  1. Cabdulkadir Wadani Reply

    December 1, 2012 at 9:19 pm

    Kkkkkkk walee chalsea way dayoowday markay garan waysay qof aragiisu ku deeqo ayaa uuntiisu ku deeqdaa,
    liverpool, ayaa cimri qaadasho ugu filnaayd

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>