Kooxda dalka Spain ka dhisan ee Valencia ayaa baadi goobaysa kabtanka daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea captain John Terry.
Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow La Liga ayaa sheegaya in kooxda Valencia ay ka doonayso chelsea mid kamid ah ciyaaryahanada laf dhabarta u ah kooxda
“Valencia ayaa wada xaajood kula jirta waxaana rajaynayaa in lasoo gaba gabayn doono heshiiska ,” ayuu sheegay Gallardo oo lahadlayay Radio Intereconomia.
“dalabka waxaa uu saaran yahay miiska, ciyaaryahanka heshiiskiisa waxaa uu ku egyahay bisha June, lamana cusbeynaysiin sababo badan oo jira aawadeed, waxaana uu imaanayaa Spain
“Terry waxaa lasoo gudboonaaday dhibaatooyin badan, waxaana uu hada weydiisanayaa kooxda inuu isaga tagayo, anaga ma ahan”ayuu hadalkiisa raaciyay wakiilka ciyaaryahakan
Lama oga sida ay Chelsea kaga jawaabi doonto hadalkan kasoo baxay Kooxda Valencia ee ah in ay doonayso ciyaaryahanka daafaca ah ee J.Terry.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha