Kubad sameeyaha kooxda QPR Adel Taarabt ayaa xaqiijiyay inuu doonayo in qarankiisa looga yeero ciyaaraha ay Morocco ka qeyb galayso bisha soo aadan ee koobka African Nations Cup.
Tabababaraha Kooxda Harry Redknapp ayaa todobaadkii hore weydiistay ciyaaryahan Taarabt inuu ka baaqsado qarankiisa si uu kooxdiisa QPR uga caawiyo in ay ka baxdo xaalada adag ee ka haysata horyaalka
Hase ahaatee Taarabt oo ku jira da’da 23-ka sano ayaa sheegay inuu rajaynayo in mar kale looga yeero qarankiisa si uu uguto waajbiaadkiisa marka la gaaro 19-ka Bisha February oo dalka K/Afrika lagu qabanayo ciyaaraha qaramada Afrika
“wax walba waan samaynayaa si aan halkaas utago” Taarabt ayaa usheegay WEBSITE ka faalooda ciyaaraha Afrika oo lagu magacaabo www.lequipe.fr.
Mar uu ka hadlayay codsigii Redknapp ee ahaa inuu iska sii joogo London, ayaa Taarabt uu yiri “waa uu ii yimid si uu ii arko iina weydiisto inaanan bixin, laakiin waan usheegay hadii la ii yeero, ma diidi karo, waan jeclahay dalkeuga iyo dadkeyga Moroco kubada cagta muhiim ayay utahay.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha