Soomaaliya oo guul daro weyn dhabarka loo saaray “Akhri Warbixinta ciyaartii galabta”

December 1st, 2012 by
Home » Maxaa Cusub » Soomaaliya oo guul daro weyn dhabarka loo saaray “Akhri Warbixinta ciyaartii galabta”

Soomaaliya oo guul daro weyn dhabarka loo saaray “Akhri Warbixinta ciyaartii galabta”

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa galabta Guul daro aad u xun kala kulantay Xulka Qaranka Dalka Tanzaaniya ay galabta kuwada ciyaareen Magaalada Kampala kulan katirsan Tartanka Bariga iyo Bartmaha Afrika .

Ciyaarta galabta waxa ay Soomaaliya u aheed ciyaar aad u xun aadna looga niyad jabo kadib markii Goolka Soomaaliya uu noqday mid furan oo laga celin waayay labo Wiil oo u dhashay Xulka Dalka Tanzaaniya oo Weerarkii ay bilaabeen Daqiiqadii 1-aad ciyaarta kusoo afjaray daqiiqadii ugu dambeysay.

Soomaaliya waxaa dhabarka loo saaray guul daradii ugu Xumeed ee Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika iyadoona goolasha galabta laga dhaliyay ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee abid la iska dhaliyo Tartankan.

Soomaaliya waxaa laga dhaliyay ilaa 7-gool oo Nadiif ah waxaana 5 kamid ah Goolashaasi ka dhaliyay Wiilka car carka ahaa galabta Mrisho Ngaso halka labada kalana uu ku fara yareestay inan kale oo lagu magacaabo John Bosco,.

Isku geyn sadaxdii kulan ee Soomaaliya ay ciyaartay waxaa laga dhaliyay ilaa 13-gool iyana waxa ay dhalisay hal gool oo rigoore ahaa kulankii ay la ciyaareen Dalka Brundi.

Soomaaliya hada waxa ay boorsooyinkooda kasoo qaateen Dalka Ugandha iyaga oo wata in kabadan 13- Goolal ah oo laga dhaliyay iyo hal gool ay dhaliyeen iyagoona hal dhibic xitaa aysan kulanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ka keenin.

Gacal Xuseen Gacal Ayman
Wariyaha Arimaha Bulshada
Aymancade@hotmail.com

16 Responses to Soomaaliya oo guul daro weyn dhabarka loo saaray “Akhri Warbixinta ciyaartii galabta”

  1. calicabdow Reply

    December 1, 2012 at 7:34 pm

    asc marka hore waxan salamay bahda war qad marka xiga hadan ka hadlo gul daradi ku dhacday xul ka kubada cagta so maliye .waxa u sawab u ah edo kowad waxa iska leh raga so xulay ciyartada hada koxda u safaneyso wayo ragi lagu yaqanay kubada cagta qatar ta ku aha badan koda wa laga so tagey ciyal yar an is ciyar fahmenin na la kenay kolay waxa dhihi wax halaga badalo so xulida ciyartoyda by cali cade .neirobi

  2. Osmaan Reply

    December 1, 2012 at 8:14 pm

    Wayahay maxa talo ah marka. Mesha kamirada ha kugu dhaco iyo diyaarat laraco qarankina ladumiyo miyaa mise wa in xal laraadiya midakale kuwa ilmaha mesha kenay wa in maxkamad lasotaga runti

  3. qaranka Reply

    December 1, 2012 at 8:36 pm

    waa in la su aala tawabaraha xulka waa in ey wax kaqabataa dowlada somalia arintani dhacday wa wax aaan laga aamusi karin waxa dhacay
    wana ka xumahay waad na cebeysene ha isku imaanina meesha

  4. Cabdulkadir Wadani Reply

    December 1, 2012 at 8:50 pm

    kkkkkkkkkkkk,ahahahahaha
    yaan Loo arag inaan ku faraxsanahay kana Naxsanahay,? Sababto ah Walaanan Waqti yar maskaxdayda ku mashquulin qaran & koox somalia matalayso, ilaa burburku jiray, waayo adigo xumaa xuun maku cunay ka baqayey, ciil & muraal jab iigu filan intaan burburku ku dhiciin somalia oo dhan kasta eber Noqotay, waxaan oran lahaa macno ma leh uygaanda ayaa looga badiyey 13 goal, dalka ayakaa haysta kooxda qarankana ayakaa macaliin u ahaa,
    dhib ma leh caruurta qaranka uygaanda matalaysay afkana ka ahayd ex,somalia, guul La’aantooda, dagaalna way Nagula jiraan shacabkeenina way xasuuqeen, brundiga Naga badiyey asaga iska badiyey ha ogaadaan,

  5. Nageye Ifo Reply

    December 1, 2012 at 9:35 pm

    Waxey ilatahay inuu qaran jirin oo aytahay dad qaas ah waayo qaran sidaanoo kale loogalay abid ma arkin lkn waxaaan kaxumahay magac xumada ay noosoojiideeen ayadoo wax qaran jirin lkn sidaan filaayo waamidan dib ambe loo noqon doonin

  6. feytaan BIGSON Reply

    December 1, 2012 at 10:09 pm

    run ahanti wa wax laga xishodo qalad kana waxa u ka imanaya raga la magca baxay xamar-somali wan is xaq la lo so xulo xulka qaranka

  7. Salman Abdullah Osman Reply

    December 1, 2012 at 10:53 pm

    Asc dhaman walalahayga somaliyed wiilal iyo gabdhabo sln kadib horta wa niyad jab ad uxun wna daren qofkasto o somali ah udaremi karo xanunkisa lkin waxa dhibka iska leh kooxda xirirka kubada e somalia kuwas aya sharafta calanka kudhelay mxa yelay marki ciyarta bilaban rabto ayey wax radiyan lkin uma diyar garoban lkin wn guulesan dona ani xita waxn rajena mardhaw inan qaranka udhelo tanzania iyo burundi hadan nolahay wa igu balan golashas inan kamatajiyo magaceyga wa m salman o kadhigan salman muslim number kayga 10 asc

  8. Salman Abdullah Osman Reply

    December 1, 2012 at 11:04 pm

    Waxn markale umahad celina warqaad iyo Akhriste yashabo wxana ka codsana web ka warqaad inu mamnuco ama commenti usan kagudbin dadka jahilinta ah e wiil reer hebal mesha kuqoranayo hada qabil somaliyed cayayo war anaka somali ayan nahay somalinimada ayana sharaf no ah qabil mxd kuqabta qaranka aya fcn qabil hadi gabadhada lakufsado hadi lagu dilo haday diyarad shisheye ku duqayso bal qabilkaga cidamada cirka intu adegsado gobalkad kasojeda hawadisa hadifaco lkin qaranka hadad udodo waxbo kama maqno 22sano ayn qabil kujirnay waxyabihi an garnay wa kuwan burbur barakac qaxoti Tahriib in darisku naduqeyan xududa o sharci daro lagu sogalay nac otuur qabilka

  9. Ismo Reply

    December 1, 2012 at 11:20 pm

    Dhibata fosha xun waxaa kenayo musuq masuq,qabilka.lalushka lagu soo xulayo ciyartoyada.magacii somalia hawiye ayaa ku xarey.oo sumacadii gataye.wax haka faidan.niman talan jarin dhibakan ayu le yahaye.

  10. Jay Reply

    December 1, 2012 at 11:47 pm

    Hawiyaa laga badiyayee somali lagama badin ee magaca somali ha bahdilina tuugyahay

  11. Saacid Reply

    December 2, 2012 at 1:55 am

    Awalba ciyaar yahano ma ahayn dameero ayay ahayen o qabiila nin walba wa ogyahay sharaftii ayay noga ciyaren awalba qaran dumis ayay ahayeen?

  12. Saacid Reply

    December 2, 2012 at 2:33 am

    Waligay.ma maqal umana sojoogin,xulka qaranka somaliya ayaa 13 sadex gool loo so xan bariyay’oo hadana wuu halwiil o kaliya dhaliyay 5 gool taas igama daadageyso ee waxa meesha kujira hala shego somalay ceebtii adunka ayaa mel walba naga haysata ninka gudomiyaha kubada cagta waxa uu udhaqmaa sidii hogamiye koxeed yadii okale.hadii.anhada labadalin waliged guul hasuga nina.maxa yelay ciyaartii isbaro daahson aya utal.dadkuna kuma barrarugsana.wa ayandaro.qabqab la yashii dagalka.wali qeyb aya shaqaynaysa dadkuna uma sawirna waa kuwa dharkii baluuga ahaa o ay xidigta shangeska ahayd ugaliyay dad an matali karin qarankena o laga so aruuriyay xafadaha qarkod sida xamarjajab wabari xamarwayne shangani buulo xubey.kuli wan wada aqana.yaa nin kale ka so saari kara waa intii istafka u ahayd ila firsha?

  13. Wadani Reply

    December 2, 2012 at 3:40 pm

    Asc waxan halkan u guso jedina tababataha iyo koxda wan ka xumeh guldarada o lahoyaneysan 13 gool dhibka wa tababaraha markad sobaxey sen makafiki rin in ad gul sohoysan ama barejo xata marka hore walaga baran daga qorshaha ad ku baxeysan tartan ku galeysan idinko dhan walbo ka xaqabtir san ad baxdan waxad u socotan warag inlamid ah e tababarka ayakaxun koxda qaranka wa in lasoxula somalia gobaladeda iyo inta kurbaha jogto marad isku kento utartan copka afrc lkn ado ka ladadsan tartan ha iman sumcadi somalia dhulka halagali na dhalinyarada niyada haka jibinina xulka qaranka sanadka danbe hadu allah idmo idinko kala dadsan hasobixina tankale wa in gobal gobal ucayartan tababaro ficn radsatan waxan leyeh tababaraya sha ayaga kenay guldirida ayagana u sabab ah maxayelay melkasta wa in ey iska xaqab tiran markey mushtamac dhax imanayan e watan magac qaran gul sanad kadanbe insha allah

  14. rashid cigaal Reply

    December 3, 2012 at 12:36 am

    anigu waxaan guul darada guudka usoorayaa kooxda olompicga ee somalia iyo tababaraha kooxda dhaman way musuq maasuqaan qarashka loogu tala galay eedana iyagaa iska leh markaa waxaan ku talin lahaa inay is casilaan maxaa yeelay waxba masoo kordhinayaan waxaanay ceebaynayaan magacii somalia , markaa aduunka hadii fadexad tan oo kale ah ama guuldare tan oo kale ah ay ku dhaco koox waa caado ah in tababarahu is casil sidii masar markii ay koobka afrika ka hadhay oo akle uu tababaruhu isu casilay

  15. adam cali warsame Reply

    January 10, 2013 at 9:45 am

    Horta dhibka ugu weyn waxa sababay qarranki o dumay mida labad waa ciyartooy aanan laheen allmiito ama jir dhis lagu sameen mida sadaaadna ciyaartooy inta ayna garoonka soo galin qaad ka soo lu luqday mida afaraadna waa ciyaartooy qararka in ay dumiyaan diyaar u ah

  16. allow nabad noo sahal Reply

    January 10, 2013 at 9:53 am

    Akhyaarta sharafta leh ha isku daalinina calaacam mah maah horaa wexey tiri hadal badan haan ma buuxsho marka wadanka in uu noqdo nabad aan ku dadaal no kadi ayaa looo soo jeesan karaa ciyaar ciyaar iyo waxan loo jogin aya wadan ee dhibka wadanka ka jira arkoo dhiig dan qada is galiyoo hooyooyin ka dhibaa teesan wax u qabta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>