Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa caddeeyay in kooxdiisa Manchester United ay kamid tahay kooxaha ugu waawayn caalamka, ayna rajaynayaan in ay garaacaan kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City maalinta axadda ah ee soo socota, wuxuuna uga digay ciyaartoydiisa inay isdhigtaan kulankaas xiisaha leh.
Tababaraha kooxda United manager ayaa u sheegay MUTV: ” waan ka guulaysanaynaa axadda, waana natiijada noogu fiican, waana mid aad noogu wanaagsan marka loo fiiriyo awoodda kooxdayda iyo ciyaaryahannadayda”.
“waxaan samaynay wax fiican markii aan la ciyaaraynay kooxda Reading, waxaana muhiim noo ahayd inaan helno sadexda dhibcood, balse way jiree khaladaad dhinaca daafaca ah ee aan samaynay, balse hadda waxaan raadinaynaa sidii aan ku xallin lahayn”.
City waxaa hadda ku culusaaday inay u soo baxdo oo kaliya Europe League xilli ciyaareedkaana wuxuu uga digay Ferguson dariskiisa inay ku dag dagaan Champions League oo ah koob loo leeyhay khibrad iyo ciyaar wanaag .
Wuxuu u qoray Ferguson Kooxda City warqad uu ugu digayo taasoo uu ku leeyahay: ”waxaad si dag dag ah cashar uga baran doontaan tartamada qaaradda Yurub, haddii aad sogto tan iyo xilli ciyaareedka dambana wali waxaa ku sugayo casharro kale oo lagu bari doono, tan iyo inta aad ka baxaysaa tartamada oo dhan”.
United ayaa hadda u soo baxday wareegga 16-ka Champions League ka hor intii aysan xala ka talaabsan kooda Cluj oo 1-0 kaga badisay Old Trafford.
Tababaraha kooxda United ayaa diray farriimo uu ku caddaynayo in horyaalku uu yahay mid maraya meel adag, wuxuuna ciyaartoydiisa ugu baaqay in ay sii xoojiyaan hoggaanka koobka Premier League .
Anaga hadaan nahay reer man unitd kalsoni wen ah ayan isku qapna wana kapadin dona mansiti