Tuesday, May 21st, 2013

São Paulo oo iska diiday in ay la wareegto weeraryahanka Milan Robinho una jeesatay Vargas-ka Napoli

Published on December 28, 2012 by   ·   No Comments

varKooxda Brazil ee São Paulo ayaa ka baxday doonista Weeraryahanka kooxda Taliyaaniga ee AC Milan Robinho kadib markii ay ku dhawaadeen heshiiska Weeraryahanka Napoli.

28 jirka Robinho ayaa raba inuu ka tago AC Milan January si dalkiisa uu ugu laabto,waxaana lala xiriirinayay inuu ku biiro kooda São Paulo.

Adriano Galliani ayaa lagu waday inuu Brazil u aado iibinta Pato iyo Robinho.

Madaxwayne ku xigeenka kooxda São Paulo João Paulo de Jesus Lopes ayaa u sheegay ESPN Radio Estadão in baahi badan aysan u qabin Robinho.

Badalka Robinho ayaa waxaa ay soo qaadanayaa 23 jirka Chili ee ka tirsan kooxda Taliyaaniga ee Napoli Vargas.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook