Weeraryahanka kooxda AC Milan Robinho ayaa albaabada ufuray inuu ku laaban doono kooxdiisii hore e dalka Brazil ee Santos.
Robinho ayaa marar badan lala xaririinayay inuu ku laabanayo dalkiisa hooyo ee Brazil marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha soo socota ee January
“hal daqiiqo ayaan ku go’aansan karnaa. Milan ma aysan doonayn in ay i iibiso, mana jecli inan arintas kula doodo kooxda igu soo dhaweysay meel wanaagsan” ayuu sheegay Robinho.
“Santos waa qeyb kamid ah tariikhdeyda waxaana ay noqon doontaa mid fudud inaan aado, xitaa hadii ay yihiin kuwa kaliya ee iga xiiseynaya Brazil.
“had iyo jeeraal waan jecelahay Santos, hase ahaatee shaqo ahaan waa inaan qiimeeyaa waxa ii wanaagsan” ayuu sheegay ciyaaryahankii hore ee kooxda Santos, Real Madrid iyo Man City
Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha