Pepe Reina oo ku taagan waddadii uu ku bixi lahaa iyo Liverpool oo baadi goob ugu jirta baddalkiisa

December 5th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Pepe Reina oo ku taagan waddadii uu ku bixi lahaa iyo Liverpool oo baadi goob ugu jirta baddalkiisa

Pepe Reina oo ku taagan waddadii uu ku bixi lahaa iyo Liverpool oo baadi goob ugu jirta baddalkiisa

Ciyaaryahan Pepe Reina ayaa mustaqbalkiisa ciyaareed uu mugdi galay kadib markii macallinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers uu sheegay in bisha January uu u dhaqaaqayo sidii uu ku soo xero galin lahaa Ciyaaryahanka goolka u ilaaliyo kooxda Birmingham’ una dhashay dalka England  Jack Butland iyo sidoo kale suurta galnimada xiddiga da’da yar ee dalka German Ron-Robert Zieler.

Rodgers  uma dhaqaaqi doono oo kaliya labadaas ciyaaryahan balse waxay Liverpool baadi goob ugu jirtaa sidii ay u soo dhamayn lahayd heshiis gaaraya £12million oo ay ku soo iibsadaan ciyaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Daniel Sturridge  iyo £6m oo kale oo ay ku dalbanayaan ciyaarayahnka ka tirsan kooxda 21 jirrada ah ee dalka England Thomas Ince.

Rodgers wuxuu xaqiijiyay in Reina uu doonayo in uu ka tago kooxda xilli ciyaareedkan waxaana lagama maarmaan ah in la helo baddalikiisa.

Macallinka Liverpool ayaa mar hore sii calaamadaystay in uu u dhaqaaqo goolhayaha reer England  Butland xilli ciyaareedka markii uu dhamaado . balse hadda wuxuu diyaar u yahay  in 19-jirkan uu u dhaqaaqo markii uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Zieler, ayaa ah mid kamid ah xiddigaha ugu wanaagsan dalka Germany marka loo eego gool hayayaasha ka ciyaara dalkaas, waxaana ay kooxda Hannover kaga dalbanayaan £12.2m oo ay doonayaan in ay ku soo qaataan.

Haddaba waxaa sidoo kale ciyaaryahanka reer Germany xiisaynaya kooxda Manchester United, waxaana 23-jirkan uu ku soo biiray kooxda Hannover  2010 wuxuuna ciyaaray in kabadan 70 kulan wuxuuna ku guulaystay labo kamid ah koobabka dalka Germany.

Reina wuxuu lumiyay qayb kamid ah xilli ciyaareedka asagoo qaba dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada  waana mid kamid ah dhibaatooyinka haysta macallinka kooxda Liverpool Rodgers waxaana taa baddalkeeda uu ciyaarsiiyay macallinka goolhayaha labaad ee kooxda Brad Jones .

Suurta galnimada ah in Arsenal ay danaynayso  Reina  ayay u fududayn kartaa in uu si fudud ugu biiro, waxaana suura gal ah in uu u saxiixo heshiis labo sano ama labo sano iyo bar ah, waxaana Liverpool ay laf ahaanteedu kaga faa’iidaysan kartaa inay ku xirto bixitaanka goolhayohooda ciyaarhayanka aan cagaha badan ku taagnayn ee Theo Walcott.

Balse tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa wali isku dayaya in uu sii adkaysto ciyaaartoydiisa oo aanay sanadkan waxba ka tagin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>