Tababaraha Kooxda kubada cagta ee Manchester City Roberto Mancini ayaa aamisan in kooxdiisa ay tahay mid ka wanagasan Kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United, walina a fursad weyn uga banaantahay in ay ku guulaystaan horyalka Ingiriiska
Kadib guul daradii 3-2 kasoo gaartay City kulankii darbiga ahaa ee axadii ka dhacay Etihad Stadium ayaa keentay in Unitd ay City ka sare marto lix dhibic oo nadiif ah
Tababare Mancini ayaa sheegay inuu ogyahay in ay wajahayaan xaalad adag, hadana ay ku kalsoon yihiin in kooxdiisa ay wali awood weyn ku dhex leedahaoay horyaalka ingiriiska
Waxaa uu yiri ”wax kastab uma socdaan si wanaagsan, hase ahaatee waan ogahay in sanadkan uu inoo yahay sanad kale oo wanaagsan”
“United waxaa ay leedahay qabiirnimo, laakiin waan ka wanagsanahay qaab ahaan ciyaaraha’ayuu sheegay tababaraha reer Italy ee kooxdiisa City difaacanayso horyaalka
“lix dhibcood ma ahan farqi aad uweyn, waxaa dhiman 24 kulan waana howl adag in lawada gulaysto, waxaan ubaahanahay inaan badino shan ama lix kulan, si dhibcahaas aan usoo yarayno” ayuu sheegay Mancini
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha