Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa kusii dhawaanaysa in ay soo qaadato weeraryahanka halista ah ee Robert Lewandowski kaas oo isagyuba sheegay inuu ku riyoonayo Old Trafford.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa tilmaamaya in Kooxda United ay ku dhow dahay in xidigan ay kusoo qaadato lacag dhan £20.5million si uu ugu soo biiro Horyaalka Premier League xagaagan bartamaha sii maraya
Borussia Dortmund ayaa iyana ogol in ugu yaraan ay ciyaaryahankan ku iibiyaan lacag dhan £18million waxaana weeraryahankan qaranka Poland si weyn udoonaya tababare Sir Alex Ferguson.
Wargayska caanka ah ee kasoo baxa dalka German Bild, ayaa sheegay in 24-jirkaan uu heshiis shan sano ah usaxiixi doono kooxda Old Trafford isagoo sanad kasta qaadan doona lacag dhan £4.1m sanadka.
Kooxda kubada cagta ee Man United ayaa dhanka kale doonaysa ciyaaryahanada kala ah Reus iyo Goetze taas oo ka dhigaysa in ciyaaryahan Lewandowski uu horey ka xeysan doono labo kamid ah ciyaaryahanada ay isku kooxda yihiin
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha