Kooxda kubada cagta ee Manchester United ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Arsenal Theo Walcott iyadoo doonaysa in si lamid ah sidii Robin van Persie ay ugeeyaan Old Trafford
Tababaraha Kooxda Man United Sir Alex Ferguson ayaa isku dayaya in xidigan garabka uga ciyaara qaranka England uu keeno garoonka United marka uu heshiiskiisa dhamaado
Wargayska Sportsmail ayaa fahansan in Walcott uu isaga tagayo Arsenal, waxaana rabitaankiisa koobad lagu sheegay in Man United tahay.
Walcott ayaa doonaya in heshiis shan sano laga saxiixdo, waxaana uu mushaar ahaan udoonayaa £75,000 todobaadkii, halka Arsenal ay doonayso in heshiiska ay ukordhiso
Kooxaha kale ee Liverpool, Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood doonaya xidigan, hase ahaatee United ayaa umuuqata in Walcott uu ku biirayo
Tababaraha Arsenal ayaa sidaas si lamid ah udoonaya in si lamid ah doonaya in ay January lasoo wareegto xidiga garabka uga ciyaara United ee Nani si uu badal ugu noqdo Walcott.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha