Kadib markii kooxda kubadda cagta Manchester City ay isaga hartay Champions League ayaa waxaa ay isku dayaysaa in sanadka cusub lasoo wareegto ciyaaryahanka qadka dhexe ka ciyaara ee Wesley Sneijder.
Xidiga qadka dhexe e qaranka Holland ayaa sheegay inuu Bisha January isaga tagi doono kooxda, waxaana isku haysta tababarayaasha Roberto Mancini iyo Sir Alex Ferguson.
Tababare Mancini ayaa si weyn loola xariirinayaa inuu lasoo wareego kubad sameeyahan, kadib markii shaki lageliyay heshiiskiisa San Siro.
Sidoo kale Kooxda City ayaa lla xariirinayaa ciyaaryahanka kooxda Roma katirsan ee De Rossi kaas oo dhawaan heshiiska ukordhiyay naadiga kadhisan caasimadd Italy.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha