Man City oo doonaysa in Chelsea ay kaga adkaato qaadashada Pedro Obiang

December 11th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Man City oo doonaysa in Chelsea ay kaga adkaato qaadashada Pedro Obiang

Man City oo doonaysa in Chelsea ay kaga adkaato qaadashada Pedro Obiang

Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa wali xoojinaysa dalabnka ay ku doonayso ciyaaryahanka reer Spain ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda Sampdoria Pedro Obiang.

Xidigan 20-jirka ah ayaa waxaa qaab ciyareedkiisa jecladay kooxaha  Tottenham iyo Chelsea, halka kooxo kale oo kka dhisan qaarada Yurub ay doonayaan

Obiang oo 12 kulan kasoo muuqday ciyaaraha ayaa   Sampdoria kaga soo biiray Atletico Madrid sanadkii 2008-dii, waxaana uu si rasmi ah ula qabsaday xili ciyareedkan kooxda

Hase ahaatee wakiilka ciyaaryahankan ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in kooxda reer Italy oo horyaalkas kaga jirta kalinta 13-ad aysan qorshaynayn in ay iibiso ciyaaryahankan.

Jose Miguel Gonzalez  ayaa shegay November-tii lasoo dhaafay ‘waan ognahay in kooxo badan oo ka dhisan Italy, , Ingiriiska iyo Spain ay doonayaan ciyaaryahankan, hase ahaatee  Pedro waa ciyaaryahan ka fakaraya oo kaliya Sampdoria.

Tababaraha kooxda City Roberto Mancini ayaa sheegay inuu doonayo in xidigan uu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo qaato, waxaa kale oo uu danaynayaa xidiga qadka dhexe ee kooxda Corinthians waa Paulinho. ciyaaryahankan qaranka Brazil oo ku jira da’da  24-ka sano ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan  £16m.

Goolhaye: Isha Warark Ciyaaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>