Kooxda kubada cagta ee Manchester City ayaa si weyn ula socota xaalada dafaca kooxda Paris St Germain ee Mamadou Sakho.
22-jirkan ayaa waxaa uu boos joogta ah ka waayay kooxdiisa kadib markii uu macalinka kooxdaas doorbiday inuu iska garab ciyaarsiiyo Thiago Silva iyo Alex.
Daafacan mucjisada ah ayaa la sheegay inuu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay kubada cagta, waxaana tababaraha kooxda City uu doonayaa in bisha January uu lasoo wareego
Wakiilka ciyaaryahankan qaranka Farance ayaa sheegay in ciyaaryahankan ay doonayaan kooxo badan oo ka dhisan Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaana kooxahaas kamid ah AC Milan
Arsenal ayaa dhanka kale mudo doonaysay in ay lasoo wareegto xidigan kadib markii ay fashilmeen daafacyada kala ah Sebastien Squillaci iyo Johan Djourou.
Sidoo kale kooxda difaacanaysa horyaalka Ingiriiska ee City ayaa doonaysa in xidigan ay badal uga dhigto ciyaaryahanka daafaca ah ee Joleon Lescott bisha soo aadan
Goolhaye:Isha Wararka Ciyaaraha