Wednesday, May 22nd, 2013

Kolo Toure ,Yaya Toure, Drogba iyo Gervinho oo loogu wacay xulka Ivery Coast

Published on December 28, 2012 by   ·   No Comments

toure-2Kooxda Manchester City ayaa mudo bil ah weyn doonta labada xidig ee walaalaha ah ee Kolo Toure iyo Yaya Tuore kuwaas oo loogu wacay xulka Ivory Coast si uga qeyb galaan Africa Cup of Nations.

Tababaraha xulka Iveryo Coast ayaa ku dhawaqay xulkiisa oo ay ka mid yihiin walaaha reer Toure taas oo la micno ah in City ay weyn doonto kulamo ay ka mid yihiin kulanka ay usafrayaan Arsenal iyo kulanka ay marti galinayaan Liverpool .

Weeraryahanka Arsenal Gervinho ayaa ku jira wajiyada xulka Ivery Coast ee looga wacay Premier League waxaa sidoo kale ku jira Newcastle xidigeeda Cheick Tiote, weeraryahanka Wigan Arouna Kone iyo xidig yaraha Man City Abdul Razak.

Waa kuwaan 23-ka xidig ee Ivery Coast umataleysa koobka qaramada Africa

Goosha: Barry (Lokeren), Yeboah (Dijon), Ali Sangare (IAFC)

Daafaca: Bamba (Trabzonspor), Boka (Stuttgart), Eboue (Galatasaray), Lolo (Kuban Krasnodar), Tiene (Paris St Germain), K Toure (Manchester City), I Traore (Brest), Razak (Manchester City)

Khadka dhexe: Romaric (Real Zaragoza), Gradel (St Etienne), Tiote (Newcastle), Y Toure (Manchester City), Ya Konan (Hannover), Zokora (Trabzonspor)

Weerarka: Drogba (Shanghai Shenhua), Kalou (Lille), Kone (Wigan), L Traore (Anzhi Makhachkala), Bony (Vitesse Arnhem), Gervinho (Arsenal)

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook