Ciyaaryahan Joe Cole ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii uu boos joogta ah uga heli lahaa kooxdiisa Liverpool, xili ay soo baxayaan warar sheegaya in kooxda uu isaga tagi doono bisha January.
Xidigii jore ee West Ham United iyo Chelsea ayaa kasoo muuqday 8 ciyaar xili ciyaareedkan, waxaana afar kamid ah uu kamid ahaa ciyaaryahanada lagu soo bilaabayo garoonka
Tababare Brendan Rodgers ayaa sheegay in Cole oo 31 jir ah uusan ku jirin qorshaha dheer ee kooxda, lagana yaabo in xidigan mushaar ahaan todobaadkii qaata £90,000 uu iska tagi doono.
Liverpool ayaa waxaa lala xariirinayaa ciyaaryahanka kooxda Chelsea Daniel Sturridge iyo xidiga Blackpool Tom Ince.
“xaalada waa adag tahay, waxaana labadii kulan e lasoo dhaafay aan dhaliyay gool, waxaan doonayaa inaan sii hayo dadaalkaas, marka la ii yeero waxaan si wanaagsan uqabanayaa shaqadeyda”ayuu sheegay J Cole.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha