Ciyaaryahanka kooxda Swansea City Michu ayaa warar been ah ku tilmaamay inuu isaga tagayo kooxdiisa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay naadiga Wales ka dhisan
Michu ayaa ahaa ciyaaryahan si weyn uga dhex muuqda kooxda tan iyo markii uu kaga soo biiray dhanka Rayo Vallecano xagaagan waxaana uu horyalka Premier League dhinaca gool dhalinta ku hogaaminayaa 12 gool.
Qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ayaa keenay in lala xariiriyo inuu isaga tagayo kooxda bisha January, waxaana 26-jirkaan lala xariirnayaa Atletico Madrid
“hada la joogo waan ku faraxsanahay inan ciyaaro daqiiqad kasta, ,” ayuu weeraryahankan usheegay Radio Marca.
“waa arin wanaagsan inad aragto kooxo waa weyn oo kaa hadlaya sida Atletico Madrid, oo kamid ah kooxaha waa weyn e Spain, hase ahaatee waxaan ku faraxsanay la joogida Swansea.”
Tababaraha qaranka Spain Del Bosque ayaa laga yaabaa inuu uyeero ciyaaryahankan, hadii aysan qaab ciyaareed ahaan isbadalin labada ciyaaryahan Fernando Llorente iyo Fernando Torres
“hadii la ii yeero waa wanaagsan tahay hadii kalana waa lamid, wax caadi ah ayayna ii tahay” ayuu sheegay gooldhaliyaha kooxda Swansea
“hada inaan dhaliyo 12 gool waa arin wanaagsan, waana ku faraxsanahay waxa aan usamaynayo Swansea. hase ahaatee halkan ma jirto qof waxkasta oo ad ubaahato ku siinaya
Swansea aya la ciyaari doonta Middlesbrough koobka Capital One Cup habeenka arbacada ah waxaana uu sheegay inuu jecel yahay inuu ka ciyaaro garoonka Wembley.
“maxaan ugaari weynay halkas oo ah dhamaadka ? rajo ahaan ad ayay uwanaagsanaan lahayd inaan ku ciyaaro garoonka weyn ee Wembley.”
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha Caalamka