Daafaca Kooxda Tottenham William Gallas ayaa sheegay in ay tahay in cashar laga barto guul daradii kooxda Everton ee todobaadkan.
Ciyaaryahankan ayaa sheegay inuu ka cabsi qabo in kooxdiisa ay isaga harto tartanka loogu jiro usoo bixitaanka Champions League.
Tottenham ayaa laga dhaliyay labo gool oo deg deg ah dhamaadkii ciyaarta iyadoo ku hogaaminaysa 1-0, hase ahaatee loogu badalay 1-2
Daafaca Spurs ayaa usheegay Evening Standard: ‘kubada cagta waa funny — waxaan arkayay tayada wanaagsan ee Tottenham laakiin waxaa jiro sababo yar oo si aan la filanayn ay guul daro kuugu soo gari karto tasna ma sharixi karo
Ciyaaryahankan ayaa sheegay in kooxda ay joogaan ciyaaryahano wanaagsan oo da’yar ah iyo kuwa kale oo qabiiro ah, hase ahaatee guul darada ay xiliyada qaar dhacdo
‘markii aan joogay Chelsea, waxaan guulaysan jirnay kulamo badan xitaa hadii aanan si wanaagsan uciyaarin, hase ahaatee Tottenham waa ka duwan tahay, waxaana rajaynayaa in aan isbadal samayn doono xili ciyaareedkan ama kan xiga
Kooxo badan ayaa sanadkan dadaal ugu jira in ay kamid noqdaan kooxaha usoo gudbaya Champion Leage- waxaana aad la isugu haystaa kaalinta afaraad, iyadoo ay ka maqan yihiin kooxihii looga bartay sida Arsenal iyo Liverpool.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha