Wednesday, June 19th, 2013

Fernando Llorente: Waxaan jecelahay inaan ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska

Published on December 12, 2012 by   ·   No Comments

Weeraryahanka kooxda Athletic Bilbao  Fernando Llorente ayaa sheegay inuu xiiseynayo inuu aado dhanka horyaalka dalka Ingiriiska

Weeraryahanka Bilbao ayaa si xor ah kaga tagi doona kooxda maadaama qandaraaskiisa uu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedka soo aadan, waxaana si weyn loola xariirinayay inuu ku biirayo kooxda reer Italy e Juventus.

Hase ahaahtee isagoo lahadlayay Sky Sports Revista de La Liga ayaa waxaa uu weeraryahankan qaranka  Spain waxaa uu sheegay inuu taageero u hayo kubada cagta Ingiriiska, uuna jecel yahay inuu aado.

“dhab ahaantii ad ayaan ujecelahay ciyaraha Premier League, waana uu igu haboonaan lahaa horyaalkas”ayuu sheegay ciyaaryahankan

“waligaa ma ogaan doontid waa mid kamid ah fikirkeyga ku adan halka aan doorbidayo mustaqal ahaan, laakiin waan sugaynaa ilaa dhamaadka xili ciyaareedka soo aadan waana qasab in xiligaas ay wax dhacaan

Kooxaha Tottenham, Arsenal iyo Liverpool ayaa kamid ah naadiyaasha horyaalka Ingiriiska ee doonaya in ay soo qaataan weeraryahankan qarank Spain oo haatan ku jira da’da 27-ka sano

Goolhaye
Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook