Weeraryahanka dheer ee kooxda Newcastle Demba Ba. Ayaa kasoo muuqan doona sanadka cusub garoonka Staform Bridge ee galbeedka magaalada London.
Macalinka KMG ah ee kooxda Chelsea Rafa Benitez ayaa doonaya in uu asbuucan soo gaba gabeeyo saxiixa xidiga wadanka Senegal.
27 jirkaan wakiilkiisa ayaa xalay wada hadalo toos ah la qaatay saraakiil ka socotay kooxda Chelsea .
Ba ayey kooxda Chelsea ku qaadan doontaa aduun dhan £7.5million.
Waxaa ay umuuqata in uu noqon doono qofka ugu horeeya oo ay Chelsea soo qaadan doonto bisha January oo bari bilaabaneysa.
Saxiixiisa ayaa lagu garaaci doonaaa kooxda Arsenal oo mudo dheer bartil maameed ka dhiganeysay .
Waxaa la sadaalinaya in uu asbuucii ka qaadan doono kooxda Chelsea aduun dhan £80,000-sida ay daabacday saakay Daily Mail.