Ciyaaryahanka Kooxda Chelsea David Luiz ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu ka ciyaaro qadka dhexe ee kooxda si uu badal ugu noqdo ciyaaryahan Oriol Romeu oo dhaawacmay
Kooxda Blues ayaa waxaa ka maqnaanaya inta ka dhiman xili ciyaareedkan Oriol Romeu, waxaana uu macalin Rafael Benitez uu door bidayaa in ciyaaryahankan uu ka ciyaarsiiyo qadka dhexe.
“hadii tababaraha ii doonayo inaan ka ciyaaro weerar,a daafaca midig, weerarka garabka ah, waan ku cawin karaa Kooxda, taasna waa hab dhaqankeyga” ayuu sheegay ciyaaryahankan
“mudo badan ayaan ciyaarayay kubada cagta waana aqaanaa boosaska kale, waana ogahay waxa uu ubaahanyahay in garab laga ciyaaro.
“waxaan ciyaarayay boosas kala duwan kulankii Nordsjaelland ee arbacadii lasoo dhaafay, tababaraha ayaana igu riixayay inaan ka ciyaaro
“waxaa uu igu dhahay waxaad kamid ahayd shanra ciyaaryahan ee kooxda ugu wanaagsan, sidaa darteed waan caawin karaa asxaabta kale .
“waxaan ku guulaysanay 5-1 waana guul muhiim inoo ahayd”ayuu hadalkiisa raciyay ciyaaryahankan qaranka Brazil
Ka maqnashaha Chelsea ee Romeu ayaa ka dhigaysa inuu haysto oo kaliya hal ciyaaryahan oo qadka dhexe ka ciyaari kara kaas oo ah John Obi Mikel, waxaana la heli karaa kulanka kooxaha aduunka ee Club World Cup ee Japan ka dhacaya, laakiin waxaa uu ka maqan yahay kulamada ingiriiska sidoo kale waxaa uu adi doonaa koobka Afrikan Cup Of Nation bisha January.
Waxaa Chelsea ay haysataa inay dib ugu yeerato Michael Essien oo amaah dheer kula jooga Real Madrid ama Josh McEachran oo isagana amaah kula jooga Middlesbrough.
Chelsea ayaa isku dayi doonta in bisha January ay suuqa kala iibsiga kala soo wareegto ciyaaryahano qadka dhexe ka ciyaara, waxaana lala xariirinayaa ciyaaryahanada kala ah Marouane Fellaini oo Everton katirsan xidiga Corinthians ee lagu magacaabo Paulinho.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha