Daafaca kooxda Manchester United Patrice Evra ayaa sheegay in tababaraha Kooxda United Sir Alex Ferguson uu cyerin doono ciyaaryahanadiisa hadii ay mar kale ogoladaan in laga qaado horyaalka Ingiriiska
United ayaa 3-2 kaga adkaatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester City kadib kulan axadii ka dhacay Etihad Stadium, taas oo ka dhigtay in hoganka ay ku qabtaan 6 dhibcood
Hase ahaatee Evra ayaa sheegay in ay tahay in laga fogaado in ay dhacdo sidii xili ciyaareedkii hore oo kale, markaas oo Red Devils oo hogaanka ku haysa 8 dhibic laga qaaday horyaalka
“waxay ila tahay Ferguson waxaa uu doonayaa inuu ceyriyo dhamaan ciyaaryahanadiisa hadii aan tas oo kale samayno, Evra ayaa sidaas usheegay Wargaysyada England ”wxaan uhadlayaa si daacad ah ma ahan dheel dheel, taageerayaasha, ciyaaryahanada iyo qof kasta
“waa xasuustaa waxii dhacay sanadkii lasoo dhaafay, waxaan hogaanka ku haynay 8 dhibcood waana luminay horyaalkii lix dhibcoodna waxaa la mid tahay horyaalka oo aan dhamaan
“waxaa wali na sugaya jid dheer waxaana ay tahay inaan hubino wax kasta una diyaar garowno kulanka sabtida ee Sunderland”.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha