Ciyaaryahan Lacag Farabadan u isticmaalay in uu saxro isaga tiro “Sawirro”

December 4th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Ciyaaryahan Lacag Farabadan u isticmaalay in uu saxro isaga tiro “Sawirro”

Ciyaaryahan Lacag Farabadan u isticmaalay in uu saxro isaga tiro “Sawirro”

Ciyaaryahan kamid ah ciyaartoyda ka xamaasha dalka ingiriiska ayaa sameeyay wax aan horey loo arag kadib markii uu suuliga la galay lacag islamarkaana uu u adeegsaday in uu saxarada isaga tiro.

Lacagta uu ciyaaryahanku u adeegsaday in uu ku saxarooday ayaa waxay ahayd lacag badan oo middiiba ay tahay £20, wuxuuna ciyaaryahanku isku soo xiray albaabka balse nin sawir qaade ah ayaa sawirro lama filaan ah ka qaaday ciyaaryahanka wuxuuna sawir qaaduhu uu soo dhigay barta Twitter:  Ciyaaryahnaka ayaa lagu magacaabaa Liam Ridgewell.

Daafaca kooxda West Bromwich ee dalka ingiriiska ayaa qirtay in uu yahay qofka sameeyay falkaas lacagtuna ay ahayd lacag badan balse u badnayd £20s.

Laakiin ciyaaryahanka waxaa ka yaabiyay habka looga qaaday sawirrada asagoo isku dayay in uu ogaado in suuligu ay ku xirnayd camaro iyo in kale balse waxaa sawirrada qaaday nin sawir qaade ah oo ka agdhawaa goobta uu suuliga ku yallay.

Daaficii hore ee kooxaha Aston Villa iyo Birmingham ayaa ka dhago adaygay in uu raalli galin ka bixiyo falka uu sameeyay, wuxuuna taa baddalkeeda shuruud uu uga dhigay inuu helo sawir qaadihii ka qaaday sawirradan.

Waxaa uu shaki uga jiraa ciyaaryahanku mid kamid ah saaxiibadiis uu uu sawirrada ka qaaday daaqadda suuliga balse arrintaas waxaa gaashaanka u daruuray asxaabta uu ka dhakisanyahay.

Ridgewell ayaa u sheegay The Sun: ‘sawirrada waxaa laga qaaday gurigayga, waxayna u muuqdaan kuwa laga qaaday daaqadda musqusha gurigayga, sidan oo kalana waxay igu dhacday sideed bilood ka hor oo sawirro kale la iga qaaday, marka qofka waxan sameeyay waa wada hal qof”

‘laakiin sawirradii hore aniga oo kaliya ayaa arkay balse hadda kuwaan waa kuwo mujtamaca oo dhan ay wada arkeen, balse wali waxaanan fahmin sida ay wax u jiraan iyo qaabka loo qaaday sawirrada, aabaan uga xumahay wax walbo oo sababay arrintan”

Sawirradan waxay sababeen carada Ridgwell wuxuuna wareer ka qaaday sida uu sannad gudohood ula kulmay labo dhacdo oo cajiib ah.

Kooxda uu ka tirsanyahay ciyaaryahanka ayay arrintaan saamayn ku yeelatay ayadoo noqotay hadal haynta ugu badan ee maalmahan.

Maria Abshir Faarax
Nairobi – Kenya  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>