Chelsea oo badisay hase ahaatee ka hartay CL, Juve oo adkaatay, Man United oo laga badiyay “SAWIRO”

December 6th, 2012 by
Home » Champion Leage » Chelsea oo badisay hase ahaatee ka hartay CL, Juve oo adkaatay, Man United oo laga badiyay “SAWIRO”

Chelsea oo badisay hase ahaatee ka hartay CL, Juve oo adkaatay, Man United oo laga badiyay “SAWIRO”

Kooxda difacanaysa horyaalka CL ee Chelsea ayaa isaga hartay horyaalkaas, inkastoo ay caawa nus darsin goolal ah kaga badisay kooxda Nordsjælland.

Ciyaaryahanada Chelsea ayaa sugayay guul daro Juventus kaga timada naada Shakhtar Donetsk, hase ahaatee tas ma aysan dhicin oo Juve ayay guusha racday.

Ciyaaryahan D Luiz ayaa ahaa dhaliyaha goolka koobad oo rigoore ahaa, iyadoo F. Torres uu dhaliyay labo gool halka Mata, Cahill iyo Oscar ay goolasha kale dhaliyeen, Naadiga Nordsjælland ayaa la timid hal gool oo kaliya.

Kooxda kale e Juventus ayaa gool qal qiil ah kaga badisay Kooxda Shakhtar Donetsk, waxaana goolkaas ay kaga mahadcelinaysaa ciyaaryahan Oleksandr Kucher oo kubada iska dhaliyay.

Group-kaas oo ahaa kii natiijadiisa lawada sugayay ayaa waxaa soo baxay Shakter iyo Juve, halka Chelsea ay Uero Leage aaday.

Naadiga Bayern Munich ayaa 4 – 1 kaga badisay Kooxda  BATE Borisov, waxaana goolasha kala dhaliyay Mario Gomez, Muller, Xherdan Shaqir iyo David Alaba.

Kooxda kale Valencia ayaa gool uu dhaliyay ciyaaryahan Jonas kaga badisay Kooxda Lilli oo garoonkeda lagu ciyaarayay.

Group-kas ayaa waxaa horey usoo baxay kooxda Bayer Munich iyo Valencia, halka FC BATE Borisov ay aday dhanka EUROBE LEAGE.

Kulamadii kale ee dhacay waxaa kamid ahaa Barcelona oo gool la’aan la dhaafi weysay  Benfica iyo kooxda Celtic oo 2 – 1 kaga badisay kooxda Spartak Moscow.

Group-kan waxaa soo baxay Barcelona iyo Celtic, halka Benfica ay aday dhanka Eurobe Leage.

Naadiga Braga ayaa iska qasaarisay fursad ay kusoo badin lahayd kadib markii ay guul daro 1 – 2 ah kla kulantay kooxda Galatasaray, halka Manchester United ay guul daro 0 – 1 kla kulantay  CFR Cluj.

Waxaa soo baxay Kooxda Manchester United iyo  Galatasaray halka  CFR Cluj ay aday dhanka koobka Eurobe Leage.

Horey ayaa waxaa usoo baxay Kooxaha PSG, Fc Porto, Schalke 04, Arsenal, Malaga, Milan, BV Borussia Dortmund iyo Real Madrid.

 

Goolhaye
By Abdullahi Nor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>