Monday, May 20th, 2013

Bastian Schweinsteiger oo ku waashay Frank Lampard iyo …

Published on December 31, 2012 by   ·   1 Comment

bastianXiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger ayaa markiisii sadexaad qarsan waayay taageerada weeyn ee uu u hayo Qabiirka qadka dhexe ee Qaranka Ingiriiska iyo kooxda Fc Chelsea Frank James Lampard.

Tv-ga caanka ah ee Sport1.de oo laga leeyahay dalka Germany ayaa waxa uu soo bandhigay Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger oo mar kasta si caadi ah ugu labista Funaanada Orjinaalka Qaranka Ingiriiska ee Lambarka 8-aad oo uu Bastian Schweinsteiger ka soo badashay koobkii Aduunka 2010-ka ciyaaryahan Frank James Lampard.

Ciyaaryahan Bastian Schweinsteiger oo iminka Fasax kula jira kooxda Fc Bayern Munchen waxa uu yiri mar arinkaan wax laga weeydiiyay sidatan ” Frank Lampard ilaa yaraanteeydii waan jeclaaa qaab ciyaareedkiisa waxaana fikradaas dhoor jeer si Live ah ugu sheegay qudhiisa Lampard oo ii mahad celiyay ”

Xiddiga Qadka dhexe ee Qaranka Germany iyo kooxda Fc Bayern Munchen Bastian Schweinsteiger oo Balwadiisa aan qarsan waxa uu mar kale yiri sidatan ” Xiddig aan ilaa yaraanteeydii jeclaa hadaan Maaliyadiisa ama Funaanadiisa xirto taas macnaheeda ma ahan fikrad hada igu soo dhacday ee waa go´aan ilaa Caruurnimadeeydii aan aaminsanaa ”

Sidoo kale Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid iminkana u safta kooxda Fc Liverpool iyo Qaranka Turkiga Nuri Kazým Sahin ayaa dhoor jeer ku cel celiyay in uu yahay Taageere si weeyn uga helay ciyaaryahan Frank James Lampard weliba jecel in uu Mustaqbalka dhaw u ciyaaro qaabka ciyaaryahan Frank James Lampard.

Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (1)

  1. mnuur says:

    k kkk k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k k kk k k k k k k k k k k k k k k k k franka lambard qaab ciyaaredkiisa ciyaar toyda xitaaa maku riyooodaan




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook