Kooxda kubada cagta ee Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato gool dhaliyahooda weyn David Villa kaas oo ay kooxo badan doonayaan saxiixiisa
Wargayska Sport ayaa sheegay in Barca ay xariir la samaysay Villa iyagoo usheegay inay ka doonayaan in ay ka wadahadlaan kordhinta heshiiskiisa.
Weeraryahankan ayaa ku jira labadii sano ee ugu danbaysay qandaraaskiisa, waxaana uu waysan yahay inuu si joogto ah ugu soo bilowdo ciyaaraha xili ciyaareedkan
Barca ayaa laga yaabaa in ay diido dalab kasta oo ah in ay iska iibiyan ciyaaryahankan xili ciyaareedka soo aadan, ka horna waa in xidigan qaranka Spain uu heshiiska kordhiyaa.
Goolhaye: Isha Wararka Ciyaaraha