Tababare Avram Grant ayaa sheegay inaysan jirin wararka la xariirinaya inuu caaawin doono tababaraha cusub ee Kooxda Chelsea Rafael Benitez.
Tababaraha Reer Spain ayaa loo magacaabay shaqada Chelsea, hase ahaatee ilaa iyo haatan waxaa uu kasban la’yahay taageerada Chelsea
“wax katirsan Chelsea oo ila soo xariiray ma jirto,” ayuu sheegay tababarahan kasoo jeda Yahuuda oo lahadlayay BBC Radio 5 Live.
“waan maqlayay hadal heynta hase ahaatee tas ma ahan mida muhiimka ah”ayuu sheegay tababarihii Chelsea geeyay Final-ka Champion Leage.
“waxa muhiimka ah ayaa ah in Chelsea ay haysato tababare, kooxdana waxaa ay ubahan tahay in ay taageerto mana ahan in wax kale ay fiiriso”
Mar la weydiiyay inuu jeclaan lahaa inuu ka hoose shaqeeyo tababare Benitez ayaa Grant waxaa uu ku jawaabay ”ma umalaynayo in tas ay tahay fikir wanaagsan xiligan, mana doonayo inaan kahadlo nafsadeyda xiligan, maxaa yeelay waxaan hayaa waxyaabo kale oo aan samaynayo
“waxaa ay ila tahay in Benitez uu yahay tababare qibrad leh mana umalaynayo in wax walba lagu go’aamin karo isbuucyo yar shaqadiisa.
Goolhaye
isha Wararka Ciyaaraha