Tartan hal maalin ah oo lagu qabtay Minneapolis

December 28th, 2012 by
Home » africa » Tartan hal maalin ah oo lagu qabtay Minneapolis

Tartan hal maalin ah oo lagu qabtay Minneapolis

koobab-490x236Waxaa maalintii Talaada ahayd lagu qabtay garoonka TC indoors Sports Arena ee gobalkaan Minnesota Jiirooni hal maalin soconayay, iyadoo jiiroonigaan u ku soo beegmay maalinta fasax ah ee dicember 25keeda.

 Waxaa tartanka ku loolamayay 6 kooxood oo kala ah TC Stars, Tigers, Halgan, Faynuus, Eden Prairie, iyo Kalsooni.

Koobkaan hal maalinla ah ayaa ahaa mid ay  dhamaan kooxaaha is wada arkayeen. Hadba kooxdii soo raaysa ayaa u sii gudbasay wareega labaad illaa ay finalka tageyso.Waxaa koobka lagu daah furay labada kooxood ee kale ah Faynuus iyo Halgan.

Tartankaan oo ay u soo daawasho tageen dad aad u fara badan fasaxa awgiis ayaan u suurta gelin in la soo gabagabeeyo isla maalintaa, iyadoo qaarka ka mid ah kooxaha iyo gudiga go’aansadeen in finalka looga dhigo habeenka xiga, kooxahana u nastaan.

Waxaa finalka isugu soo baxay labada kooxood ee TC Stars iyo Tigers. Labadaan kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan, dadweynihii daawanayay aad u rigooyeen ciyaartooda.koobab.jpg1_-490x367

Tartan hal maalin ah oo lagu qabtay Minneapolis

Labadaan kooxood oo is yaqaano ahna kooxaha aadka looga qadiriyo gobalkaan Minnesota ayaa midba mid kale la soo baxay xirfadiisa ciyaareed, iyadoo ay isku mari waayeen 3 iyo 3 waqtigiina uu ku dhamaaday ayaa lays aaday rigoorooyin. Waxaa rigoorooyinka ku guuleystay TC Stars halkaasna ayay ku qaadeen koobkii hal maalinla ah.

Waxaa soo qaban qaabiyay jiroonigaan Khadar Faa Cali iyo Daadir Abyan. Waxaa marti sharaf lagu marti qaaday jirooniga ka mid ah tawabare Herbi Rooble, Maxamed Rashid, Abdul, Ali Talyaani, Abdishurki iyo Najib qeybna ka ahaa dadkii bixinayay koobka.

By Bayer (Xawaaji)
bayerref@gmail.com
Ciyaartoy.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>