Wednesday, June 19th, 2013

Wenger oo sheegay inuu doonayo saxiixa Henry iyo laba cayaaryahan oo kale bisha Janaayo

Published on November 30, 2012 by   ·   No Comments

Tababarraha kooxda Arsenal Asrene Wenger ayaa shaaciyay qorshahiisa cayaarytoyda uu soo iibsanayo bisha Janaayo marka uu furmo suuqa, waxana uu tilmaamay sida ay uga go’antahay inuu la soo wareego cayaaryahanno weerarka ku wanaagsan.

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in kooxda uu ku soo biirin doono laba Cayaaryahan iyo halyeeygii Arsenal Thiery Henry oo fasax ku jooga Asenal si uu tababar ula qaato Arsenal.

Wenger  oo wareysi gaar ah siiyay TV-ga Bein Sport ayaa waxa uu sheegay in kooxda ay iminka keydsatay xoogaa lacag isla markaana ay diyaar u yihiin in ay suuqa kala iibsiga cayaaryooyda ka baadi doonaan bisha Janaayo hase ahaaate wuxuu ka gaansaday magacayada xiddigaha uu doonayo.

Sidoo Kale Wenger ayaa ka hadlay in ay dib u soo saxiixan karraan Thiery Henry, waxaana uu sheegay in ay suurtogal tahay ammaah ay ku qaataan Henry bisha Janaayo isagoo si weyn u ammaanay hayeeygaan oo uu sheegay inuu yahay cayaaryahan lagu faano.

Kooxda Arsenal ayaa kaalita 6-aad wali ka fadhida kala horreenta horyaalka Premier League-ga England, waxaana ay maalmihii la soo dhaafay isha la raacayeen Wilfried Zaha oo Crystal Palace u safta iyo Klaas-jan Huntelaar oo Schalke 04 u cayaara inkastoo maamulka Schalke 04 ay sheegeen in aysan Arsenal awoodin inay iibsato Huntelaar.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook