Sunday, May 19th, 2013

Wakiilka Pato ayaa xaqiijiyay in cayaaryahanka uu sii joogi doono Ac Milan.

Published on November 30, 2012 by   ·   No Comments

Wakiilka Cayaaryahan Alexandrer Pato ayaa sheegay in aysan suurtogal ahayn in cayaaryahanka uu ka taggo San Siro, waxaana uu xaqiijiyay in Pato uu sii joogi doono Ac Milan.

Gilmar Veloz ayaa la kulmay arbacadii Madaxweynaha Ac Milan Adriano Galliani oo ay ka wada hadleen mustaqbalka cayaaryahanka waxaana uu saxaafadda u xaqiijiyay in Pato uusan meel uga socon Ac Milan isla markaana uu kooxda baaqi ku sii ahaan doono.

“Kulankii inoo dhaxeeyay aniga iyo Adriano Galliani waxa uu ahaa mid caadi ah waxaana isku afgarranay inuu cayaaryahanka  Milan baaqi ku sii ahaado, wax walbana waa hagaag hada” ayuu u sheegay wakiilka TMW.

Alexandrer Pato ayaa saxaafadda waxa ay qorrayeen inuu kooxda ka dhaqaaqi doono bisha Janaayo, waxaana hada wakiilkiisa uu xaqiijiyay in Cayaaryahanka uu ku soo nagaan doono San Siro.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook