Laacibka u dhashay wadanka Cameroon khadka dhexana uga ciyaara Barcelona Alex Song ayaa waxaa uu noqonayaa inka kula dagaalamaya caawa kooxda kubadda cagta ee Celtic khadka dhexe waxaana uu sheegay in uu si aad aha uga muuqan doono caawa sida uu hadalka u dhigay.
Macalinka koxda Barca. ayaa waxaa uu usoo xushay Song in uu hogaamiyo Khadka dhexe ee kooxda Barcelona kulanka ka tirsan Uefa Champions League-ga waxaana macalin T. Vilanova uu shaaciyay in Alex song uu yahay nin maareyn kara Khadka dhexe ee kooxda Barcelona Kulanka Celtic.
Song oo xilli ciyaareedkii an ka soo gudunay dhamaadkiisii ku biiray Barce3lona ayan weli helin boos joogto ah waxana uu sida badan ku soo galaa ciyaaraha bedel isagoo caawana shaaciyay in waxa laga filayo wax ka badan uu la’imaan doono waxana uu rajo buuran ka muujiyay qaabka uu u wajahayo kooxda Celtic ciyaar ka tirsan CL oo Group-ka G ay kuwada jiraan kooxahaasi.
Goolhaye.com Hoyga Ciyaaraha Caalamka