Friday, May 24th, 2013

SAWIRO: Man United oo si layaableh kaga badisay QPR iyo natiijooyinka kulamadii dhacay

Published on November 24, 2012 by   ·   No Comments

Tababaraha Kooxda kubada cagta ee QPR Harry Redknapp ayaa ka tagay garoonka  Old Trafford kadib markii uu adkeysan waayay natiijada kulankii ay la ciyaareen kooxda Man United ay la ciyaarayeen tas oo loo saariyay guul daro kale

Qeybtii hore ayaa ciyarta lagu kala maray 0-0, hase ahaatee markii la isku soo labtay ayaa wxaa gool udhaliyay QPR xidiga Jamie Mackie.

Rajo kasta oo uu lahaa macalin Redknapp ayaa soo dhamaatay kadib isbadal wanaagsna oo uu la yimid macalin Sir Alex Fergusan oo weerar ka wada dhigay ciyaaryahanadiisii difaaca ku jiray.

Ciyaaryahan Evans ayaa daqiiqadii 64-aad soo bar bareeyay goolkii uu dhaliyay Mackia daqiiqadii 52-aad, waxaase madax kale kasii dhaliyay  Fletcher daqiiqadii 68, halka Hernandez uu daqiiqadii 72 hdlaiyay goolkii sedexaad.

Kulamada kale  ee dhacay waxaa kamid ah Sunderland oo guul daro 2 – 4 ah kaga badisay naadiga West Bromwich Albion, waxaana kooxda West Bromwich goolasha labo kamid ah udhaliyay Long, halka Lukaku iyo Marc-Antoine Fortuné, waxaa Sunderland Craig Gardner iyo Stephane Sessegnon

Naadiga Everton ayaa bar bar dhac 1-1 ah lagashay kooxda Norwich waxaana goolka udhaliyay Everton Steven Naismith, halka uu Norwich usoo bar bareeyay Sébastien Bassong.

Stoke aya 1 – 0 kaga badisay Fulham, halka Wigan ay  3- 2 kaga badisay Reading, haatan waxaa socda kulan xiiso badan oo udhaxeeya Arsenal iyo Aston Villa.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook