Sunday, May 19th, 2013

Salvatore Bocchetti oo looga gacan haatiyay Kooxda Juventus

Published on November 28, 2012 by   ·   No Comments

Kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa doonaysa saxiixa daafaca kooxda Rubin Kazan Salvatore Bocchetti, iyadoo horray u dalbatay xiddigaan ayaa hadan waxay soo cusbooneysiisay dalabkeeda xiddigaan.

Daafaca reer Talyaani Salvatore Bocchetti ayaa macquul ay tahay inuu ku biiro Juventus xaggaaga soo socda inkastoo Juventus aysan shaacin wada hadalka u dhaxeeya iyada iyo Rubin Kazan.

Salvatore Bocchetti ayaa sida la sheegay xor noqon doona bisha December ee dhammaadka 2013 waxana lagu soo waramayaa inuu isaga kala dooran doono halka uu jecelyahay inuu u cayaaro, hadii ay Juventus wada hadalka ku guuleystaana iyaga ayuu ku biiri doonaa.

25-jirkaan ayaa horray Rubin Kazan kaga soo biiray Genoa lagac lagu qayaasay 15 Milyuun oo gani, sidoo kale Napoli ayaa xiiseynaysa daafacaan dhexe, waxaana uu sheegay inuu jecelyahay inuu ku laabto Talyaaniga si Cesare Prandelli uu ugu waco xulka qaranka Talyaaniga.

Readers Comments (0)




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook