Maxaa ka jira in khilaaf uu ka dhexeeyo Casillas iyo Mourinho?

November 7th, 2012 by
Home » Champion Leage » Maxaa ka jira in khilaaf uu ka dhexeeyo Casillas iyo Mourinho?

Maxaa ka jira in khilaaf uu ka dhexeeyo Casillas iyo Mourinho?

Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Real Madrid Ikar Casillas ayaa waxaa la sheegayaa in uu khilaaf xooggan soo kal dhex galay isaga iyo macalinkiisa  Macalin Mourinho. Cassilas ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Mourinho waxana uu intaa ku daray in aaney muhim aheyn in la buunbuuniyo wax sida uu sheegay wax kama jiraab ah.

Ikar Casillas ayaa waxaa uu sheegay in ay jirto in kulankii Champions League-ga ka tirsanaa ee kooxdiisa ay la yeelatay kooxda Dortmund ay qaar ka mid ah ciyaaryahanada Real ay ku tilmaameen isaga in uu sabab u ahaa Barbardhaca ay kooxda Real xalay ku dhameysatay.

Waxaa uu carrab baabay in ciyaaryahano uu ka mid yahay Ronaldo ay aamineen in uu isagu sabab u ahaa in ay badin weysay kooxdooda laakiin waxa uu uga jawaabay in aysan iyaguba goolal fara badan dhalin hase ahaatee uu isgu yahay mid dhamaan ciyaaryahanada ka jecel guusha kooxdaasi.

Hal qalad waa uu jiraa waxaana uu ahaa in an bananka usoo baxay goolkii ugu horeeyay oo uu iga dhaliyay weeraryahanka M. Reus oo Dortmund uga ciyaarayay weerarka ayuu sheegay taana waxaa uu ku macneeyay difaacyada oo aad u habacsanaa in ay sabab u noqotay in uu soo baxo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>