Tuesday, May 21st, 2013

Maxaa Galabta kala haysta qaramada Soomaaliya iyo Sudan

Published on November 28, 2012 by   ·   1 Comment

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa galabta ciyaar adag la yeelan doona dalka Sudan, ciyaartaasna waxaa ay qeyb ka tahay ciyaaraha bariga Afrika.

Ciyaaryahanadda Soomaalya ayaa isku diyaarinaya kulankoodii labaad, iyagoo horey guul daro 5-1 ah kala soo kulmay qaranka dalka Burundi.

Soomaali kusugan magaalada Kampala ayaa sheegay in ay niyada udhisi doonaan ciyaaryahanada Soomaaliyeed si ay isaga caabiyaan qaranka Sudan oo lagu tiriyo kuwa ugu kubada wanaagsan qaarada Afrika.

Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Geele ayaa sheegay in kulankan ay rajeynayaan in ay helaan natiijo ka wanaagsan tii ku dhacday markii ay qaranka Burundi la ciyaarayeen.

Goolhaye Isha Wararka Ciyaaraha

Readers Comments (1)

  1. Ali says:

    Asc masha allah somali ha noolato in sha allah wad gulesaneys




alertThis is the POST COLUMN and is ready for widgets, click here to add some now!
  • Facebook