Macalinka Atletico Madrid Diego Simeone oo yiri Felcao waa iib.

November 15th, 2012 by
Home » Horyalaada » England » Macalinka Atletico Madrid Diego Simeone oo yiri Felcao waa iib.

Macalinka Atletico Madrid Diego Simeone oo yiri Felcao waa iib.

Macalinka kooxda kubadda cagta ee Atletico Madrid ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in kooxdaasi ay diyaar u tahay in ay iska iibiso laacibka Weerarka uga ciyaara ee lagu magacaabo Felcao kaa oo  ay doonayaa kooxo fara badan oo ka dhisan wadamada Qaaradda Yurub.

Diego Simeone ayaa waxaa uu shaaca ka qaady manta mar uu hadlayay in Atletico Madrid ay diyaar u tahay in ay iska iibiso laacibka Weerarka uga ciyaara hadii ay ku helaan qarashka ay ku dooneyso kaa oo gaaraya 55-million oo Bound.

Kooxda Chelsea ayaa ah kooxda ugu dhow ee dooneysa laacibkaas waxaana ay soo bandhigtay lacag gaareysa 45-million oo Bound-ka Ingiriiska ah si ay u qaataan  laacibkaasi waxaana soo baxaya hadalo sheegay in kooxda Real Madrid ay ku soo biirtay halgenka loogu jiro helitaanka laacibkan kasoo jeeda wadanka Colombia.

Macalinka Atletico Madrid ayaa sheegay in haddii ay hesho kooxdiisu lacag u dhiganta in lagu iibiyo xiddigan ay iska iibin doonan Diego Simeone waxaa uu intaa ku daray in ay isla meel dhigeen isga iyo madxda kooxdiisa waxana lagu heshiiyay in la iibin karo Felcao.

Xiddigani ayaa isagu sheegay in uu doonayo in uu ka tago kooxda Atletico Madrid Laakin ma’uusan shaacin halka uu jeclaan lahaa in uu u dhaqaaqo.

Goolhaye.com Ish Wararka Sportiga Adduunka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>